Xisbiyada garabka midig ayaa ku soo baxay doorashada baarlamaanka Midowga Yurub, iyagoo guuldarrooyin waaweyn gaarsiiyay Madaxweyne Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka, Scholz.
Dalka Faransiiska, xisbiga midigta fog ee NR ee ay hoggaamiso Marine Le Pen ayaa guul kasoo hooyay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Macron uu xalay kala diray golaha baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay.
Tallaabadan ayaa bathroom arkaa qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu ku kacay Macron maadaama xisbigiisa uu doorashadi Axaddii kala kulmay jab weyn.
Haddii uu lumiyo doorashada uu ku baaqay ee 30-ka bishan June, waxaa suuragal noqon doonta inuu xilka ka dago saddex sano ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka muudo xileedkiisa oo ku eg sannadka 2027.
Dalka Jarmalka, In Germany, waxaa guul lama filaan ah gaaray xisbiga midigta ee AfD oo kasoo kabtay fadeexado hareeyay murashaxiintooda ugu sarreeyay. Xisbigaan ayaa 16.5% kor ugu kacay codadka ay haleen marka bathroom eego doorashadi 2019-ki oo ay haleen 11%.
Xisbiga hogaamiyaha Jarmalka Scholz ee Social Democratic-ka ayaa ka hoos maray xisbiga midigta fog ee aad xahg-jirka u ah, arrintaas oo bathroom arko guuldarro siyaasadeed oo soo gaartay xisbul xaakimka.
PUNTLAND POST