Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u amba-baxay magaalada Seoul ee caasimadda Koonfur Kuuriya.
Ra’iisul wasaare Xamse iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Seoul kaga qayb galaya Shir-madaxeedka jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika kaasi oo qabsoomaya inta u dhexaysa 4 ilaa 5 bishan Juun.
Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyay safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Shirka Seoul looga hadli doono xoojinta xiriirka Afrika iyo jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya.
Farxaan Jimcaale ayaa sheegay in sidoo kale Shirka looga hadli doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Afrika iyo dalka Kuuriyada Koonfureed ee marti-gelinaysa Shirkaasi.
PUNTLAND POST