Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shirka Shiinaha iyo Carabta ee ka furmay Beijing, ayaa ku soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee Falastiin.
Wasiir Fiqi wuxuu cambaareeyay gardarada iyo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, waxa uu soo cusboonaysiiyay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto xadgudubyadaas.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay taageerrayso dadaallada lagu doonayo in lagu sugo xuquuqda sharciga ah ee dadka reer Falastiin iyo la joojiyo dagaala Qasa.
Wasiirka arimaha dbadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka, ilaalinta caalamiga ah ee dadka rayidka ah, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib u dhiska Qasa.
PUNTLAND POST