• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Wednesday, May 14, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland?

admin by admin
March 29, 2024
in Latest News
0
Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland?
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah.

 

Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

Qodobada ayaa kala ah :

1. Dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.

2. Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

3. Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa.

4. Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka.

5. Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

6. Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan.

Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay :

* Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga.

* Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso.

* Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka.

* Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray dhammaan hay’adaha Dowladda in laga wada shaqeeyo addeega dowladeed ee Bulshada bathroom hayo, iyadoo la raacayo Siyaasadda iyo qorshaha Dowladda ee hortebinta leh.

-DHAMMAAD-



Source_link

You might also like

Madaxweynaha Puntland oo maanta shir deg deg ah kula ballansan dhammaan ganacsatada Boosaaso – Puntland Publish

President Hassan Sheikh Attends Launch of New Political Celebration ‘Justice and Unity’ – Somali Nationwide Information Company

Key Roads in Mogadishu Stay Blocked After Heavy Rains, Residents Voice Frustration

Tags: baxayGolahakasoomaamulkaMaxaaPuntlandSawirroshirkaWasiirada
Previous Post

Djibouti plans to host assembly between Somalia, Ethiopia leaders

Next Post

Nationwide Forces Ship Decisive Blow to Alshabab, Over 80 Extremists Neutralized – Somali Nationwide Information Company

admin

admin

Related Posts

Madaxweynaha Puntland oo maanta shir deg deg ah kula ballansan dhammaan ganacsatada Boosaaso – Puntland Publish
Latest News

Madaxweynaha Puntland oo maanta shir deg deg ah kula ballansan dhammaan ganacsatada Boosaaso – Puntland Publish

by admin
May 14, 2025
President Hassan Sheikh Attends Launch of New Political Celebration ‘Justice and Unity’ – Somali Nationwide Information Company
Latest News

President Hassan Sheikh Attends Launch of New Political Celebration ‘Justice and Unity’ – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 14, 2025
Key Roads in Mogadishu Stay Blocked After Heavy Rains, Residents Voice Frustration
Latest News

Key Roads in Mogadishu Stay Blocked After Heavy Rains, Residents Voice Frustration

by admin
May 13, 2025
Somalia: Puntland acquires helicopters to focus on ISIS hideouts in Al Miskad mountains
Latest News

Somalia: Puntland acquires helicopters to focus on ISIS hideouts in Al Miskad mountains

by admin
May 13, 2025
Baarlamaanka Puntland oo mushaar kordhin ku darsaday Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan 2025 – Puntland Put up
Latest News

Baarlamaanka Puntland oo mushaar kordhin ku darsaday Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan 2025 – Puntland Put up

by admin
May 13, 2025
Next Post
6 Prisoners Captured in Joint Operation by Nationwide Armed Forces – Somali Nationwide Information Company

Nationwide Forces Ship Decisive Blow to Alshabab, Over 80 Extremists Neutralized – Somali Nationwide Information Company

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Puntland oo sheegtay in ay bixinayso magta marxuum Axmed Saxane oo lagu dilay Garoowe – Puntland Publish

Puntland oo sheegtay in ay bixinayso magta marxuum Axmed Saxane oo lagu dilay Garoowe – Puntland Publish

June 13, 2024

Dagaal Xoogan oo ka dhacay Tuulada Aboorey ee Gobolka Hiiraan

April 10, 2025

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Madaxweynaha Puntland oo maanta shir deg deg ah kula ballansan dhammaan ganacsatada Boosaaso – Puntland Publish
  • President Hassan Sheikh Attends Launch of New Political Celebration ‘Justice and Unity’ – Somali Nationwide Information Company
  • Key Roads in Mogadishu Stay Blocked After Heavy Rains, Residents Voice Frustration

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.