AFGOOYE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay ka dhacday deegaanka Baqdaad oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Duqeyntan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya illaa 21 qof oo isugu jiro carruur iyo haween, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah ehellada oo la hadlay Shabelle.
Sidoo kale waxaa dhaawacyada la keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.
Dowladda Soomaaliya oo struggle kasoo saartay duqeyntan waxa ay sheegtay inay ku beegsatay Al-Shabaab, ayna dishay illaa 40 ka tirsanaa kooxda.