Weerar ku bilowday qarax baabuur ayaa ka socda hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo wax yar u jira Madaxtooyada Somalia.
Rag hubaysan ayaa sida wararku sheegayaan gudaha u galay Hoteelka isla markaana halkaas ka dhex dagaaallamaya inkastoo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay weerarka.
Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ku bilowday qaraxa ee ka socda Hoteel SYL balse weli Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya kama warbixin khasaaraha weerarka.
PUNTLAND POST