Wararka ka imaanaya degaanka Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gebi ahaanba ay maanta halkaasi isaga baxeen ciidamadii dowladda Soomaaliya.
Curubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan maleeshiyaad degaanka u dhashay ayaa sida lagu soo warramayo maanta banneeyay saldhigyadii ay ku lahaayeen Bacaadweyne.
Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka degaanka ayaa sidoo kale maalmo ka hor ka soo baxay degaannada Caad iyo Camaara oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay hadda ku sugan yihiin degaanka Laasa-gacamey oo u dhow Bacaadweyne halkaas oo ay saldhigo ciidan ka samaysteen.
Dhammaan degaannada Koonfurta Gobolka Mudug ee Ciidamada dowladdu ka soo baxeen ayaa hore looga saaray maleeshiyaadka Shabaab oo gacanta ku hayn jiray hadana ku sugan meela aan ka fogayn.
PUNTLAND POST