Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay hoygiisa Muqdisho ku booqday Madaxweynihii 7aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
Labada Madaxweyne hore ayaa ka wada hadlay arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisu ka socoto Baarlamaanka Federaalka, waxayna soo jeediyeen in wadatashi ballaaran laga yeesho arrimaha Dastuurka.
“Waxaan caawa hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo oo qoraal ka soo saaray Kulankii isaga iyo Shariif Sheekh Axmed.
“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale yiri “Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda”.
PUNTLAND POST