• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Saturday, May 24, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Sida Siyaasiyiinta iyo Madaxdhaqameedka SSC U Wada Shaqayn Karaan – Puntland Publish

admin by admin
March 1, 2024
in Latest News
0
Sida Siyaasiyiinta iyo Madaxdhaqameedka SSC U Wada Shaqayn Karaan – Puntland Publish
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Firdhiye waa inuu xakameeyo madaxdhaqameedka SSC oo qaarkood u muuqda inay loollan kula jiraan hoggaanka SSC-Khaatumo.

Laascaanood (Faallo) — Hadalka Garaad Cabdullahi Garaad Soofe maanta (29/2/2024) ka jeediyay Laascaanood wuxuu abuuray shaki weyn oo ku saabsan wada shaqaynta siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka. Garaad Soofe wuxuu sheegay in maamulka Somaliland duullaan ku soo yahay dhulka SSC. Haddii xitaa xogtani sugan tahay ma aha mid lavatory baahan yahay inay ka soo baxdo afka oday dhaqameed ama siyaasi. Ma jirto xabbad joojin (truce) dhexmartay xoogagga SSC-Khaatumo iyo xoogagga beesha maamulka Somaliland. Taasi macnaheedu waa: xaalad dagaal ayaa weli jirta inkastoo ay xoogagga SSC-Khaatumo ku eg yihiin dhulkooda, isla markaasna ka dhowrsadeen hanjabaado dagaal la mid ah kuwa beelaha Somaliland taageersan qaarkood ay hawada soo marinayeen tan iyo markii uu qarxay dagaalkii Laascaanood sanad ka hor.

Hadalka Garaadka waxaa ka muuqatay inuu soohdinta SSC-Kaatumo iyo Somaliland ku soo koobay Goojacadde. Bil ka hor Garaad Soofe wuxuu sheegay in Jamaahiirtu u malaynayaan in laga cabsanayo. Waxaa muuqata inuusan jirin xad uusan dhaafin karin Garaad kasta marka siyaasadda laga hadlay. Inuu Garaad Soofe ugu baaqo Somaliland inaysan weerar soo qaadin waa hadal meel-ka-dhac ku ah dadka SSC-Khaatumo oo had iyo jeer diyaar u ah inay naftooda, sharaftooda iyo maalkooda difaacaan.

Garaad Soofe waxaa la gudboon inuu ka hadalka siyaasadda iyo amniga u dhaafo dadka u xilsaaran hoggaaminta maamulka SSC-Khaatumo.

Garaad Soofe wuxuu si dadban noogu baraarujiyay fursadaha seegay maamulka uu Firdhiye hoggaamiyo markii dowladda federaalka Soomaaliya ay maamulka Somaliland ay heshiis ku kala saxiixdeen Jabuuti dhammaadkii bishii Diseembar. Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu xusuusin karay dowladda federaalka in heshiisyada ay dib u la saxiixatay maamulka Somaliland qaarkood lavatory adeegsaday barakicinta dad Soomaaliyeed ku noolaa Laascaanood. Intaas waxaa dheer in dowladda federaalka aysan dhexdhexaadin ka dhex samaynin dhinacyada colaaddu ku dhexmartay Sool welina is hor fadhiya. Dowladda federaalku kuma qancinin maamulka Somaliland inuu ka noqdo go’aankiisa inuu hubeeyo rayid si dagaalka uu iskugu beddelo mid beelo u dhexeeya. Maamulka SSC-Khaatumo wax mowqif ah kama yeelanin heshiiska dowladda federaalku la gashay maamulka Somaliland. Waa ilduuf siyaasadeed. Labo maalmood kaddib heshiiskii Jabuuti wuxuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Heshiis Is Afgarad la saxiixday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed si xeeb Soomaaliyeed looga kireeyo Itoobiya muddo 50 sano ah.

Heshiiska Iskaashi Amni U Dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya

Heshiiska Is Af Garad ee badda kaddib waxay Itoobiya la saxiixatay Somaliland Iskaashi Amni (safety cooperation). Itoobiya hadda ma aha dal dhexdhexaad ah inkastoo sanad ka hor ay kaalin dhexdhexaadin ah qaadanaysay markii Somaliland ay duqeynaysay Laascaanood. Hadda waxaa jira shaki in Itoobiya keentay ciidammo badan xadka Soomaaliya ay kala leedahay Sool iyo Togdheer gaar ahaan meelo aan ka fogeyn Buuhoodle. Heshiiska difaaca ay dowladda federaalku u cusboonaysiisay Itoobiya sanadkii hore ayaa u bannaynaya Itoobiya inay ciidankeedu soo galo meel kasta oo Soomaaliya ah. Ciidanka Itoobiya waxay Soomaaliya ku joogaan heshiis dowladda federaalka la gashay 2014 kana dhigaya ciidanka Itoobiya kuwo ka madaxannaan ATMIS (oo markaas lavatory yiqiin AMISOM). Waa go’aammada siyaasadeed uu Madaxwyne Xasan Sheekh u gaaray si aan ka baaraandegis lahayn oo halis ku ah nolosha dadka Soomaaliyeed iyo qarannimada Soomaaaliya. Ma jiro baarlamaan kala xisaabtami kara Madaxwyne Xasan Sheekh jebinta heshiiska ciidanka Itoobiya lagaga saaray Soomaaliya billowgii 2009.

Haaruun Macruuf oo sanadkii 2016 iftiimiyay sida ciidanka Itoobiya ugu sugan yihiin Soomaaliya.

Xaaladahan siyaasadeed waa kuwo ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay leedahay dowlad la aqoonsan yahay, laga cafiyay deynta lagana qaaday cunaqabataynta hubka. Halisaha ay abuuri karaan Iskaashiga Amni u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ma yara marka aad eegto in xitaa dowladda federaalka Soomaaliyeed ay u abuurayso Itoobiya fursado si ay ugu xadgudubto qarannimada Soomaaliya. Waxaa lavatory baahan yahay in madaxdhaqameeedka SSC aysan ka hadlin arrimmo siyaasadeed haddii aysan la ogeyn madaxda maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo. Hoggaanka SSC-Khaatumo waxaa la gudboon inay ka tashadaan sida ay u maaraynayaan colaadda taagan maadaama dowladda federaalku qaadanayso siyaasado halis ku ah nolosha dadka midnimada Soomaaliya taageersan dagaalkana kula jira dadka doonaya inay Soomaaliya kala gooyaan iyagoo kaashanaya Itoobiya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u oggolaatay Itoobiya in ciidammadeedu soo geli karaan Soomaaliya markii ay doonaan iyagoo aan hoostagin ATMIS. Waa dowladdaas dowladda SSC-Khaatumo ay aqoonsiga iyo taageerada ka filayaan. Waa dowlad toosin iyo tuurxaanbixin u baahan.

You might also like

Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish

Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company

Opposition Leaders Maintain Essential Talks in Mogadishu Over Somalia’s Political Future





Source_link

Tags: iyoKaraanMadaxdhaqameedkaPostPuntlandShaqaynSidasiyaasiyiintaSSCWada
Previous Post

Somalia’s Prime Minister opens new jail court docket in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

Next Post

Somalia president arrives in Turkey for discussion board

admin

admin

Related Posts

Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish
Latest News

Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish

by admin
May 24, 2025
Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 24, 2025
Opposition Leaders Maintain Essential Talks in Mogadishu Over Somalia’s Political Future
Latest News

Opposition Leaders Maintain Essential Talks in Mogadishu Over Somalia’s Political Future

by admin
May 23, 2025
Advisor warns Somalia’s president Hassan Sheikh Mohamud is driving nation Into political spoil 
Latest News

Advisor warns Somalia’s president Hassan Sheikh Mohamud is driving nation Into political spoil 

by admin
May 23, 2025
Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up
Latest News

Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up

by admin
May 23, 2025
Next Post
Somalia president arrives in Turkey for discussion board

Somalia president arrives in Turkey for discussion board

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Somaliland asks South Africa to fast-track its AU recognition

Somaliland asks South Africa to fast-track its AU recognition

December 25, 2023
Sawirro: Safiirka Shiinaha oo $150,000 ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Sawirro: Safiirka Shiinaha oo $150,000 ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

August 6, 2023

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish
  • Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company
  • Opposition Leaders Maintain Essential Talks in Mogadishu Over Somalia’s Political Future

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.