Wararka ka imaanaya xeebaha Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay ilaa 20 kalluumeysato ah oo u dhashay dalka Yemen.
Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Karkaar ayaa degaanka Dhalinbaar oo ka tirsan degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar ku qabtay raggaasi oo ku eedaysan kalluumeysi sharci-darro ah.
Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in kalluumeysatada reer Yemen ee gacanta lagu dhigay ay si sharci-darro ah kalluun uga guranayeen xeebaha Gobolka Karkaar.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha garsoorka bathroom gudbin doono eedaysanayaasha si bathroom mariyo sharciga.
PUNTLAND POST