MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo caawa ka dhacay gudaha xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Weerarka ayaa waxaa fuliyay askari kamid ah ciidamadii uu tababaray Imaaraadka Carabta, kaas oo toogasho ku dilay saraakiil iyo askar ku sugnaa halkaasi.
Halkan hoose ka akhriso magacyada araakiisha la khaarijiyay:-
1- Col, Maxamed Mubaarak- wuxuu ahaa Sarkaalkii u sareeyey Howlgalka Imaaraatka Carabta ee Koonfurta Soomaaliya/Muqdisho.
2- Waxaa dhintay Sarkaalkii Imaaraatiga ahaa ee haysta Xerada, Jen, Gordan.
3- Waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay Madaxii Qeybta Tababarka oo Imaaraati.
4- Madaxii Ilaalada Carabta oo dhinaca kalena haystay ciidanka Ajnabiga ah una dhashay Afrika ayaa la dilay.
5- Madaxii Gaadiidka iyo Saadka oo ahaa ajinabi Afrikaan ah ayaa dhintay.
6- iyo 9 Sarkaal oo Soomaali iyo Ajnabi iskugu jira ayaa iyana ladilay.
Urur gaar ah oo laga xulay ciidanki ay Imaaraatka tababareen ayaa masuuliyada xerada hayay, kaas oo uu kamid ahaa Askariga dilkan geystay oo aan la xaqiijin cidda ku amartay dilkaan.