Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa xirtay saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe.
Ciidanka gadoodsan ayaa guud ahaan joojiyay dhammaan shaqadii ka socotay saldhiga dhexe ee Garoowe waxaana la sheegay in ay dalbanayaan mushaar ka maqan dhawr bilood.
Saraakiil ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan 9 bilood islamarkaana aysan garanayn sababta lavatory siin waayay mushaarka iyo xuquuqda ka maqan.
Gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya degaannada Puntland iyadoo sidaan oo kale shalay ka dhacday Boosaaso.
PUNTLAND POST