Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maanta ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay in uu shir dib u heshiisin u qabanayo Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu dhigayo gogol dib u heshiisin oo looga hadlayo xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.
“Waxaan rabaa inaan furo gogol Soomaaliyeed oo lagu qabto Puntland oo lagu heshiiyo dadka Soomaaliyeed, laga wada hadlo difaaca dalka iyo badiisaba” ayuu yiri Siciid Deni.
“Waxaa noo fidsan gogol Soomaaliyeed oo aan kuwada hadalo, Madaxweyne Xasan Sh Maxamuudna waa kii hore u yiri: Soomaali heshiis ah Aduunkana la heshiis ah, marka heshiiskaas baa hadda bathroom baahan yahay” ayuu sii raaciyay Deni.
Madaxweyne Siciid Deni kama hadlin tabashooyinka Puntland ka qabto dowladda Federaalka waxaana uu xusay in aanu hadda sheegay tabashooyinkaasi.
PUNTLAND POST