MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah, ayaa waxa ay guddoomiyeyaasha guddiyada soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si bathroom marsiiyo akhrimaha kala duwan. Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, isla-markaana laga rabo in ay laba jibaaraan shaqadooda, waxaana uu faray shuruucda ay gacanta ku hayaana soo dhameystiraan.
DHAMMAAD.